Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa goordhow ku dhawaaqay inay sii kordhayaan Abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan Gobolada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay garab boodaan Guddiga Abaaraha dalka oo uu sheegay inay dhexda ugu jiraan dhibaatada isa soo tareysa ee Abaaraha.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay jirto gaabis dhanka shacabka ah waxa uuna ku baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay waxtaraan walaalahooda oo xiligaani gurmad u baahan.
”Waxaan ku baaqayaa in shacabka Soomaaliyeed kuwooda ka caafimaad qaba abaaraha ay garab istaagan kuwa ay lasoo deristay abaarta waxaa lagu jiraa xiligii loo baahnaa in leys garab istaago”
Waxa uu ku taliyay in Hantidooda ay ugu gargaaran kuwa la liita baahida iyo haraadka waxa uuna xusay in dhankooda ay ka muujin doonaan garabka ugu weyn ilaa xad ah.
Madaxweynaha oo maanta kulan is weydaarsi ah la qaatay Guddiga abaaraha ayaa sheegay in macluusha taagan ay tahay mid kasii dareysa loona baahan yahay in leysku gargaaro cidba cida ay wax dhaanto.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha dalka oo isna kulanka ka hadlaayay ayaa sheegay Abaaraha soo noq noqday ay yihiin dambi anaga aan galnay, taana ay u sabab tahay badashada beenta qiyaanada iyo Musuq maasuqa.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha iyo Guddiga ayaa si wada jir ah ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay garab u noqdaan kuwa ay baahida heysato.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]