Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo loo adeegsaday Bam gacmeedyo ayaa waxaa Caawa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowlada oo baro koontarool ku lahaa Xaafada Siinaay Degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Qaraxyada lagu weeraray ayaa xiliga weerarka ku guda jiray shaqooyinkooda waxaana la sheegayaa in weerarkaasi uu ka dhacay khasaaro kala duwan.

Qaraxyada kadib Ciidamada Dowlada ayaa afarta jiho u furay rasaas farabadan oo qaarkood ay ku dhaceen dad shacab ah oo xiliga uu weerarka dhacaayay ku sugnaa goobta.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay inay arkayeen dad shacab ah oo ay ku dhaceen rasaas iyo kuwo Qaraxa uu kasoo gaaray firir, kuwaa oo iminka la dhigay goobaha caafimaad.

Maleeshiyaadkii weerarka geystay ayaa la sheegay inay ahaayeen Labo dhalinyaro oo min hal Bam tuuray kuwaa oo weerarka kadib ka baxsaday goobta.

Ciidamada Amaanka ayaa hadda ku sugan goobta lagu weeraray Qaraxyada oo aheyd baro koontarool oo ku yaalla Xaafada Siinaay ee Degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com