Imaaraadka oo durba qas ka abuuray dekedda Berbera (Maxaa maanta dhacay)?

Berbera (Caasimada Online) – Shaqaalaha Dekedda Berbara ee gobolka Saaxil ayaa maanta dhigay bannaanbax iyo shaqo joojin isku jira iyagoo ka cabanay caqabado ay sheegeen inay kasoo wajahday dhinaca nolosha.

Qaar kamid ah dadka gadooday oo lahadlay warbaahinta gudaha, ayaa xusay in shirkadda DPWorld oo 1-dii Bisha Saddexaad, la wareegtay maamulka dekeddaas ay cadaadis saartay shaqaalaha.

Waxay sheegeen in lagu amray inay ku shaqeeyaan mushahar yar, hadii kale la keeni doono ajaanib ku shaqaysa awaamiirta iyo rabitaanka shirkadda.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf ayaa sidoo kale laanta Afk-Soomaliga ee BBC-da u sheegay in shaqaalaha ay ka cabanayaan mushaharka shirkaddaasi.

Waxa uu nitaasi ku daray Jaamac Yuusuf in madaxa shirkadda DP world ee dekedda uu si xun ula dhaqmay shaqaalaha.

“Shaqaalaha waxaa lagu amray in ay mushaar yar ku shaqeeyaan, haddii kalena kuwo ajaanib ah la keeenayo iyadoo shaqaalaha qaarkood la xir-xiray, rasaasna lagu riday” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf

Ilaa iyo hadda maamulka shirkadda DP World ayaan weli ka hadlin cabashada shaqaalahan.

Tallaabadan ayaa timid xilli shirkaddan casriyayn ku samaysay Dekedda kadib hishiis ay la gashay xukuumadda Somaliland inkastoo dadka gobolkaas kasoo horjeedeen.

Caasimada Online
Xafiiska Berbera
caasimada@live.com