Xog: Cidda qaadatay mushaarka militariga oo la ogaaday iyo ceeb ka taagan Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa maanta magaalada Muqdisho gadood ka sameeyey ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo ku sugnaa xerada tababarka ee Warshadda Nacnaca.

Haddaba Caasimadda Online ayaa soo heshay xog muujineyso cidda qaadatay Mushaarka Ciidamada Militariga oo maqan ilaa 13 bilood.

Xogta ay heshay Caasimadda Online ayaa muujineyso inuu mushaarka ciidamada Militariga Musuqmaasuqay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Maxamed Aadan Axmed oo u wareejiyey maamulka Puntland.

Mushaarki loogu talagalay ciidamada Militaridga Muqdisho ku sugan ayaa waxaa bilooyinkaas dhan si sharci darro ah loo siin jiray guuto ka tirsan ciidamada Militariga Puntland

Taliyaha ayaa la sheegay inuu arrintaan soo bilaabay bilawgii sanadkii 2016 markaas oo uu si toos ah mushaarkii ciidamada Militariga ugu wareejiyey kuwa ka tirsan Maamulka Puntland waxayna arrintaan markii hore aheyd mid qarsoon oo aan laga warheyn.

Ciidamada ay mushaaraadka ka maqan yiin ayaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 3500 oo askari kuwaas oo isugu jiro : Ciidamada xerada Warshadda Nacnaca, ciidamada Madaxtooyada Villa Somalia, Ciiidamada Cirka, Ciidamada Guutada 60-aad ee xoogga dalka. Iyo Ciidamada Badda.

Ciidamadaan noocyadooda kala duwan aan soo sheegnay waxay kamid ah yihiin ciidamo toban kun gaaraya oo ay mushaarkooda bixiso Dowladda Mareekanka waxaana la ogaaday in bilooyinkii ugu dambeysay la musuq-maasuqay.

Warar aan la hubin ayaa sheegayo inay arrintaan wax ka ogaayeen Ra’isulwasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid iyo dowladdii Waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaanka u hayey Xasan Shiikh Maxamuud maadaama ay soo bilaabatay musuq maasuqaan xilligii ay dadka ka talinayeen.

Ciidamada Warshadda Nacnaca ayaa ku dhiiraday inay maanta dareenkooda kusoo bandhigaan wadooyinka Muqdisho kadib markii ay u adkeysan waayeen baahidada ku qabatay xeradaas maadaama noocyada kale ee Ciidamada oo ay mushaarka ka maqan yihiin ay mararka qaar helaan dhac dhac kale oo aan aheyn mushaarkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ogaaday xaaladda dhabta ah ee heysato ciidamada Militariga waxaana dhawaan laga filayaxa go’aan deg deg ah oo ku sababsan arintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com