Itoobiya oo hal shardi ku xirtay soo dhaweynta wasiirada cusub ee uu magacaabayo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – CDRC oo ah hey’ad bil kasta soo saarto joornaal ay kaga hadleyso baaritaano iy warbixino isla markaasna laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa qoraal dheer oo 10 bog ah kasoo saartay doorashadii Farmaajo, Magacaabista Ra’isulwasaate Kheyre, caqabadaha hor taagan iyo sida ay noqon doonaan wasiirada.

Haddaba markaan waxaan soo qaadaneynaa hal shardi oo ay Hey’adaan Itoobiyaanka ah ku xirtay soo dhaweynta golaha wasiirada cusub ee la filayo inuu dhawaan ku dhawaaqo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Hey’adaan ayaa sheegtay in haddii la rabo in lagu wada qanco golaha wasiirada cusub ay lagama maarmaan tahay inuu Farmaajo si siman wasiirada ugu qeybiyo beelaha Soomaaliyeed isla markaasna uu qanciyo dhammaan.

CDR oo markasta qoraa kasoo saarto xaaladda Soomaaliya ayaa dhawaajisay inay muhiim tahay in Beesha Abgaal oo looga guuleystay doorashada lagu qanciyo golaha wasiirada sidoo kalana laga siiyo wasiiro muhiim ah.

Waxay sheegtay haddii aysan sidaas dhicin in dowladda cusub ay weyn doonto kalsoonida beelaha iyo codka xildhibaanada Soomaaliya oo si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’isulwasaare Kheyre.

Arrintaan ay ka hadashay dowladda Itoobiya ayaa imaaneyso xilli uu Kheyre ku guuleystay qancinta beelaha Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday inay xor uga dhigaan magacaabista wasiirada sidoo kalana ay soo dhaweeyaan shaqsiyaadka uu u garto inay yihiin kuwa mudan in lagu soo daro golihiisa wasiirada.

Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed ayaa aqbalay codsigii uu Kheyre usoo gudbiyey waxayna u ballan qaadeyn inay si fiican ula shaqeyn doonaan cid kasta oo uu xil u dhiibo.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aamisan in hadalka kasoo yeeray Itoobiya lagu doonayo in la isaga horkeeno beelaha Soomaaliyeed iyo dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdulaahi Farmajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com