Istanbuul (Caasimada Online) – Shucuubta Yuhuudda ayaa u dabaaldegay maalinta ay ugu magacdareen “Purim” oo ah maalin laga bad-baadiyay Yuhuudda in la wada laayo.
Dabaaldeggan ayaa waxaa si weyn looga xusay magaalada Jerusalem ee Falastiin, waxa ayna dadka Yuhuuda soo bandhigeen Aflaam iyo Sawirro lagu aflagaadeynaayo Shacabka Falastiiniyiinta ah.
Yuhuuda waxa ay magaalada Jerusalem ka xanibeen dhammaan Shacbka Falastiin iyadoo Ciidamo aad u farabadan lagu daadiyay dhammaan guryaha ay degan yihiin Shacabka Falastiin si aysan u carqaladen amniga ay ku naaloonayeen Boqolaalka Yuhuuda ee dhiganaayay Munaasabada maalinta badbaadadooda.
Boqolaalka ragga ah ee ka qeybqaadanaayay Munaasabada ayaa isku muuqaal ekeysiiyay Falastiinta waxa uuna muuqaalkaasi u muuqday mid lagu aflagaadeynaayay diinta suuban iyo Sunadda.
Carruurta ayaa waxaa goobaha ay ka kala socdeen munaasabadaha lagu baraayay sida ay u toogan lahaayen haddii ay la kulmaan dadka Falastiiniyiinta ah, waxa ayna wateen Bastoolado iyo qoryaha ay ku cayaaran carruurta maalmaha munaasabada.
Waxa ay jilayeen Carruurta qaabka loo fuliyo dilalka iyagoo mid mid isugu tijaabinaayay qoryaha feega ah oo ay ku labisnaayen.
Waxaa ugu sii darneyd kadib markii goobta lagu soo bandhigay Aflaam lagu duraayay dadka muslimka ah, iyadoo Baadariyaasha Kaniisaduhuna ahaayen kuwo u sacaba tumaayay dadka jilaayay aflaamta aflagaadada ah.