26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wararkii ugu dambeeyey golaha wasiirada iyo shaqsiyaad si lama filaan ah ugu jira liiska

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxa lasoo gabagabeeyey liiska shaqsiyaadka kasoo muuqan doono golaha wasiirada markii ay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre wadatashiyo la sameeyeen beelaha Soomaaliyeed.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayo xilliga sida rasmiga ah loogu dhawaaqi doono golaha wasiirada, waxaa jiro warar sheegayo in ilaa maanta gelinka dambe lagu dhawaaqi doono, halka warar kale ay sheegayaan in berri lagu dhawaaqo doono.

Haddaba waxaa la sheegay in liiska wasiirada laga tiray shaqsiyaad aad u badan oo markii hore ka dhex muuqday halka shaqsiyaad kale si lama filaan ah loogu soo diray.

Caasimadda Online ayaa heshay xog ku saabsan qaar kamid ah shaqsiyaadka sida lama filaanka ah uga soo dhex muuqan doono Golaha wasiirada ee waqti badan ku qaadatay inuu Kheyre ku  dhawaaqo sababo la xiriir is qabqabsi ka dhex dhashay beelaha Soomaaliyeed iyo sidii loo qeybsan lahaa wasiirada ugu muhiimsan.

Haddaba hoos ka aqriso liisla shaqsiyaadka la filayo inay kasoo muuqdaan golaha wasiirada oo la rajeenayo inay noqdaan ilaa 25 wasiir.

1- Jamac Caydiid

2- Cabdiraxman Yariisow

3-Saciid Ciid

4-  Xildhibaan  ducaale.

5- Yusuf Garaad.

Golaha wasiirada ayaa la filayaa inay dhib ku noqoto cod ka helista xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’isulwasaaraha, balse midaan way ka adkaan doontaa maadaama beel kasta oo kamid ah xildhibaanada ay ka fiirsan doonto kursiga laga siiyey golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News