Qaladaadkii, Muudey xildhibaanada iyo waxyaabihii laga diiwaan geliyey kulankii wasiirada lagu ansixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – 224 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, halka 15 Xildhibaan ay diiday, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan, sidaas darteed Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay tahay Xukuumadda ansax.

Haddaba waxaa jiray qaladaad iyo waxyaabo laga diiwaan geliyey kulankaaas Baarlamaanka ku ansixiyey golaha wasiirada oo uu shir guddoominayey  Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudeey.

Muudeey ayaa xakameyn waayey xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana halkaas ka muuqatay inuusan awood buuxda u laheyn xakameynta xildhibaanada, sidoo kalana wuxuu adeegsanayey ereyo aan ku habooneyn inuu xildhibaanada u adeegsado maadaama uu shirka toos ka ahaa inta badan TV-yada Soomaaliya.

ereyada uu adeegsanayey Muudey maahan kuwa aan idinla wadaagi karno intii daawaneysay muuqaalka tooska ahaa ayaa dareemayey.

Sidoo kale waxaa kulanka ka dhacay in laga saaray laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaana ka ku jiray Xildhibaanda laga saaray howlka shirka Daahir Amiin Jeesow oo la murmay Muudeey oo ahaa shir guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana la amray inuu ka baxo shirka.

Dhanka Xildhibaanada waxaa jirtay inaysan muujineyn mas’uulinimo maadaama la arkayey iyagoo inta badan aan dhageysaneyn hadalka iyo qorshaha xukuumadda oo uu halkaas kusoo bandhigay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa markasta loo sheegayey inay howlka soo galaan si kalsoonida loogu qaado xukuumadda taasina waxay aheyd qalad kale oo ka jiray kulankii maanta, waxayna midaas u muuqatay inay horey go,aan uga qaateyn ansixinta Golaha wasiirada.

Xildhibaanada ayaa waxaa waajib ku ah inay dhageystaan qorshaha xukuumadda cusub maadaama ay shacabka Mas’uul ka yihiin, markii ay dhageystaan waxaa laga doonayey inay ka fiiriyaan danaha shacabka, balse midaas maba dhicin oo inta badan xildhibaanada dareen ma siineyn qorshaha xukuumadda ee halkaas lagu soo bandhigayey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com