Jeesow oo laga saaray kulankii lagu ansixiyey golaha wasiirada iyo ceeb weyn oo ku dhacday!

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii ay maanta Xildhibaanada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee lagu ansixiyey golaha wasiirada cusub ayaa waxaa ka dhacay muran iyo qeelo ay sameeyeen qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya.

Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya ayaa halkaas ka sameeyey arrin aan fiicneyn kadib markii uu diiday inuu fadhiisto intii uu socday kulankaas wuxuuna guddoomiye ku xigeynka koowaad Muudey oo shir guddoominayey ku amray inuu fadhiisto.

Jeesoow ayaa muran badan ka dib sheegay inuu kulanka isaga baxayo taasoo keentay inuu guddoomiye Ku xigeynka Baarlamaanka Muudey u sheego inuu isaga baxo kulanka, waxaana halkaas isaga baxay jeesow .

Xildhibaan Jeesow ayaa kamid ahaa xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeday in la ansixiyo golaha wasiirada, wuxuuna ku doodayey inaan golaha wasiirada codka kalsoonida loo qaadin.

Muudeey oo guddoomiyaha baarlamaanka ahaa kulankaan ayaa muujiyey kalsooni iyo ad adeeg , waxayna xildhibaanada qaar ka doonayeen in ansixinta golaha wasiirada dib loo dhigo, kaliyana codka ansixinta loo qaado qorshaha dowladda.

Gudoomiyaha ayaa amray in cod loo qaado haddii kulanka maanta kaliya uu ahaan doono mid lagu dhageysto qorshaha xukuumadda codka loo qaado qorshahaas, iyo haddii lagu darayo ansixinta golaha wasiirada.

Codka loo qaaday arrintaas ayaa 222 Xildhibaan aqbaleyn in la isku daro ansixinta qorshaha iyo wasiirada, halka ay diideyn 15 xildhibaan, waxaana ka aamustay 4 Xildhibaan.

Arrintaas ayaana noqotay mid buuq iyo muran ka dhaliso Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kadibna waxaa la dhageystay qorshaha xukuumadda cusub, waxana codka kalsoonida siisay golaha wasiirada iyo qorshaha xukuumadda 224 Xildhibaan,  15 Xildhibaan way diideyn, sidoo kalana 4 Xildhibaan ayaa ka aamustay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com