Goormee laga war helay in xildhibaanada BF ay ansixinayaan golaha wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow la ansixiyay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, kadib markii ay kullan gaara Villa Somalia ku yeesheen Ra’isul wasaare Kheyre, Jawaari iyo Xildhibaano kor u dhaafaya 90 oo ka tirsan BFS.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa Jawaari ku qanciyay Kuraas dheeri ah oo laga siin doono Wasiiru Dowlayaasha harsan iyo Xilal kale oo u badan Taliyayaal ciidan.

Ansixinta Golaha Wasiirada ayaa soo ifbaxday kadib markii Kheyre iyo Jawaari si guud ula hadleen Xildhibaanada Mooshinka fashilmay waday.

Warar hoose ayaa sheegaya in Xildhibaanada Mooshin wadayaasha lagu qanciyay dhaqaale xoogan, halka Jawaari isna loo ballanqaaday xilal dhowr ah, waxa ayna taa iftiimisay ka warqabka Ansixinta Wasiirada.

Subaxnimadii hore ee Saaka ayaa waxaa soo ifbaxay in Xildhibaanada BFS ay meelmarinayaan Golaha Wasiirada, kadib markii xalay lagu dhex qanciyay Villa Somalia.

Mid kamid ah Xildhibaanada BFS, ayaa saaka inoo xaqiijiyay in la meelmarin doono Wasiirada, waxa uuna si hoose noogu sheegay in la maamuusay Mooshin wadayaasha.

Mooshinka Fashilintiisa lagu guuleystay ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu lahaa Jawaari, oo maanta ah ku simaha Madaxweynaha Somalia.

Ansixinta Wasiirada oo goordhow dhacday ayaa waxaa xigi doona abaalmarinta Jawaari oo isaga jid gooyooyinka ka horqaaday Wasiirada.

Lama oga in Kheyre uu ka dhabeyn doono ballanqaadka lagu badbaadiyay Wasiirada ee uu u sameeyay Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com