27.2 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Daacish iyo Nairobi: Sirdoonka Kenya oo arrin yaab leh ogaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Sirdoonka Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan dhalinyaro farabadan oo kasoo jeeda dalkooda kuwaa oo gacansaar la leh Kooxda Daacish iyo Ma-gefayaasha ka howlgala xadka u dhexeeya Libya iyo Sudan.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in dhalinyaradaasi ay gudaha Kenya ka safriyaan muwaadiniinta dooneysa inay ku biiran Kooxda Daacish ee qarbudaada ka dhexwada dhowr dalk oo ay kamid yihiin Syria, Ciraaq iyo Libya.

Kenya waxa ay sheegtay in dhalinyaradaasi ay laba siyaabood uga ganacsadaan dadka Tahriib doonka ah.

Siyaabaha koowaad ayay Dowlada ku sheegtay in dhalinyarada loo fududeeyo Tahriibka ay ku gaari lahaayen wadamada Yurubta.

Siyaabaha labaad ayay Dowlada ku sheegtay in Shabakada gacansaarka la leh Ma-gafayaasha iyo Daacish ay dhalinyarada Tahriib doonka ah u weeciyaan dhanka Daacish, iyadoo la adeegsanaayo xiriiro qarsoodi ah.

Xogo laga soo xigtay Sirdoonka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Dhalinyarada ka tirsan Shabakada Tahriibka Kenya ay Wakiilo u yihiin Daacish, iyagoo gudaha Kenya ka safrinaaya dadka Tahriib doonka ah ee loo weeciyo Daacish.

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay Wakiilo u joogaan dalalka Kenya, Somalia, Nigeria, Algeria, Tanzania, Ethiopia, South Sudan iyo Masar, kuwaasi oo dadka u tashkiila iyo inay Ma-gefayaasha Libya dhaqaale ka abuuraan dadka ay ka qaataan Lacagaha Madax-furashadda iyo in Daacish ay dad uga dhex qoraan Tahriibayaasha.

Shabakadaasi ayaa la sheegay inay dadka ku biirayo Kooxda Daacish u fududeeyaan Safarka Tahriibka, waxayna Shabakadda Ma-gafe abuurteen 10-jid oo ay dadka kaga qaadaan Kenya, kuwaasi oo Diyaarad iyo dooni la saaro ilaa ay ugu sii gudbaan dalka Syria.

Khad kale oo Duullimaad ayaa jira oo dadka ku biiriya Daacishta ka dagaalanta dalka Syria ugu dhoofayaan magaalladda Lagos ee dalka Nigeria, kadibna Tahriib lagu sii marsiinayo dalalka Nayjar, Algeria, kadibna Libya.

Kenya ayaa baadi-goob ugu jirta dhalinyarada ku bahoobay Shabakadaani isku dhex wada Tahriibinta iyo qorista dhalinyarada dooneysa inay ku biiraan Daacish.

Geesta kale, Somalia ayaa waxaa ka dhex shaqeeya Shabakad lamid ah Shabakada ka shaqeysa Kenya, waxaana la rumeysan yahay in Kooxda Daacish ay u sahasho Safrinta dhalinyarada Jihaad-doonka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News