Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo aan la wadaagnay Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xildhibaan Axmed Fiqi uu u taagan yahay Doorashada Galmudug.
Xogta aan helnay ayaa muujineysa in Fiqi uu Kursiga Baarlamanaka Somalia ku wareejin doono Ex Xildhibaan Axmed Cabdullaahi Geelle Xaaf oo ay yihiin Jufo hoose.
Fiqi ayaa wareejinta Xildhibaanimadiisa ka damacsan inuu ku reebo Xaaf si aanu ugu cariirin Doorashada la filaayo inay dhacdo 10 April.
Heshiiska ayaa la sheegay inuu yahay in Xaaf Xildhibaanimadaasi lagu wareejiyo Guusha Axmef Fiqi kadib, si aan loo beerdareen Kursiga Xildhibaanimo.
Xildhibaan Axmed Cabdullaahi Geelle Xaaf, ayaa waayadaani ololo ka dhex waday magaalada Cadaado si uu u noqdo Madaxweynaha Maamulka, waxaana xusid mudan inuu ka danbeeyay qorshaha ay Xildhibaanada Galmudug ku rideen Madaxweynihii hore C/kariin Guuleed.
Ma cadda in Xaaf uu kamid noqon doono Musharaxiinta raacda reebka ah iyo in kale, waxaase soo baxaaya in wadahadal uu la galay Xildhibaan Axmed Fiqi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

