Midowga Yurub oo warbixin halis ah kasoo saaray gobollada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub, ayaa digniin kasoo saaray Abaaraha kusii baahaya qeybo kamid ah dalka Somalia.

Hay’adaha gargaarka ee Midowga Yurub ayaa ka digay in dalka Soomaaliya oo ay haatan ka jiraan abaaro ba’an ay dadku sidoo kale wajahayaan xannuuno ay kamid yihiin daacuunka.

Mr Johan Heffinck oo ah Madaxa gargaarka Midowga Yurub ee Somalia, ayaa sheegay in Somalia ay kusoo fool leedahay dhibaatooyin badan oo sababi kara geerida shacab farabadan.

Mr Johan Heffinck, ayaa sheegay in sanadkan oo keliya la diiwaan geliyay in kabadan 18 kun oo kiis oo cudurka daacuunka ah, Halka sannadkii aynu soo dhaafnay la diiwaan geliyay in kabadan seddex kun oo kiis.

Waxaa sare u kacay tirada dadka uu soo ritay xannuunka shuban biyoodka oo ka dillaacay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka uu ku dhacay xannuunada ka dhashay abaaraha tiradooda ay sare u sii keceyso.

Gobollada ugu daran waxaa ka mid ah Bay, Bakool iyo Gedo oo lagu warramayo in qiyaastii 600 oo qof oo qaba xannuunno kala duwan oo abaaraha ka dhashay la seexiyay xarumo caafimaad.

Qaramada Midoobay waxay horay uga digtay in abaarahani ay isu bedeli karaan macluul la mid ah tii dhacday 2011-kii. Markasoo kumanaan qof ay dhinteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com