Sawirro: Jahwareer ka taagan dekedda Muqdisho kadib arrin uu sameeyey maamulka

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa ay qeyla dhaan kasoo yeereysaa wadayaasha gaadiidka qadiimiga ah ee ka howlgala Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Wadayaasha ayaa ka cabanaaya in Dekadda laga mamnuuco xiliyada ay ka qaadi lahaayen Bagaasgka iyo Alaabaha kale ee kasoo dega Dekadda.

Wadayaasha Gaadiidka Duugga ee Xamuulka ka qaada Dekedda Weyn ee magaalladda Muqdisho, ayaa sheegay in booska ay kala baxeen Gaadiid cusub oo lagu xushay muuqaalka guud.

Waxa ay sheegen in gaadiidka Tareellaha, ay qabtaan howlihii ay iyaga qaban jireen, waxa ayna taa ku tilmaameen mid sharci darro ah, iyagoo arrintaasi ku eedeeyay Maamulka Dekadda Muqdisho.

Tallaabadda Gaadiidka noocaasi looga mamnuuci rabo Dekedda ayaa timid, kadib, markii ay Dekedda ka shaqo bilaabeen Gaadiidka cusub ee Tareelooyinka dhaadheer.