31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“Dalka Mucaawino wey taalaa dadka haloo qeybiyo, yaan shirar lagu mashquulin”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay mucaawino badan oo dalka Taalo xili abaaro ay dad badan ugu dhimanayaan gobolada dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdulaahi Shaacir oo kamid ah golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay taalo mucaawino badan oo dalal kala duwan ka yimid balse ay wanaagsan tahay in xiligeeda loo qeybiyo dadka baahan.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in guddiga gurmadka abaaraha hadda looga baahan yahay inay la shaqeeyaan xildhibaanada qaar oo doonaya inay u adeegaan dadka ay matalayaan oo abaartu ay saameysay.

Xildhibaan Shaacir wuxuu sheegay ineysan habooneyn in shirar lagu mashquulaa xili dalka ay abaar ka jiro gargaarna uu yaalo, loona baahan yahay in waxa yaala hadda la gaarsiiyaa dadka ugu daran.

“Dalka mucaawino wey taallaa, waa in degdeg dadka loo gaarsiiyaa, waa inaan shirar lagu mashquulin, waxaa na dhibaya in dadkeenna ay baahi u dhintaan, guddiga gurmadka waan la kulmeynaa”

“Waxaana diyaar u nahay aniga iyo xildhibaanno kale inaan la shaqeynno guddiga oo aan qaadno wax walbo oo shacabka loogu talogalay, dadku wey dhammaanayaan, yaa la xukumayaa haddii shacabkeena gaajo u dhintaan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Ugu dambeyn xildhibaanka wuxuu sheegay in hadda la meel mariyay xukuumada ra’iisul wasaaraha loona baahan yahay inay la yimaadaan waxqabad wanaagsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News