Maxaa kusoo kordhay dhismaha dekada Ceelmacaan (Warbixin)

Jowhar (Caasimada Online)-Maamulka HirShabeele ayaa markale soo hadal qaaday dhismaha la doonayo in dhawaan lagu sameeyo dekada deegaanka Ceelmacaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha HirShabeele Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in maamulkiisa uu yeelanayp deked lamid ah dekedaha Kismaayo, Boosaaso , Hobyo iyo magaalada Muqdisho, ayna la tartami doonaan dekedahaasi.

Wuxuu sheegay in dekada Ceelmacaan ay hadda tahay mid dhisan balse ay u baahan tahay dayactir oo kaliya, wuxuuna sidoo kale cadeeyay in  sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono dekedaasi.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka shaqeynaayaan sidii uu maamulka Hirshabeelle ay u yeelan lahaa kaabayaal dhaqaale oo maamulka ku filan, si loola tartamo maamulada kale ee dalka ka dhisan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa doonaya in ay dib u habeyn ay ku sameeyaan kaabayaasha Dhaqaalaha degaanada maamulka Hirshabeelle, waxaana muuqaneysa in maamul goboleedyada dalka ay doonayaan inay ka madax banaanaadaan maamul ahaan dowladda Soomaaliya.

Dalal badan oo caalamka ayaa siyaabooyin kala duwan u hubeynaya una dhaqaalo siinaya maamulada ka dhisan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com