Halkee la geeyay Ajaaniibtii Ahlu sunna gacanta ku dhigeen

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya saraakiil ajaaniib ah oo ciidamada maamulka Ahlus unna ay gacanta ku dhigeen kuwaasi oo lagu xiray gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu sunna ayaa sheegay inay hayaan labo ruux oo ajaaniib ah kuwaasi oo ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana marka hore loo xiray shaki laga qaaday.

Waxaa labadooda lagu hayaa saldhig ciidamada NABAD Sugida ay leeyihiin oo ku yaala magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

“Ciidamada Nabad Suggida oo helay xogta labadaan nin, ayaa ka soo qabtay Kontoroolka Gaardheer, oo xigga dhinaca Magaalada Guriceel.”

“Illaa iyo hadda waxay yihiin lama garanayo, laakiin waa niman ku hadlaya afka Itoobiya, hadana waxaa lagu baarayaa Xarunta Nabad Suggida ku leedahay Magaalada Dhuusamareeb.”sidaasi waxaa sheegay afhayeenka maamulka Ahlu sunna.

Ma jiro warar dheeraad ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxya saraakiisha maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe, taasi oo la xiriirta ajaaniibta ay ku qabteen magaalada Dhuusomareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com