Xog: Maxaad kala soctaa qorshaha uu Farmaajo ka damacsan yahay doorashada Galmudug?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu wado qorsho lagu taageerayo maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe.

Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu yahay in Hogaaminta Maamulka Galmudug loo dhiibo maamulka Ahlusunna iyadoo dhaqaale xoogan lagu bixinaayo sida lagu soo saari lahaa Musharaxa ay Ahlusunna u wadato xilka Madaxweyninimo ee Galmudug.

Qorshaha Farmaajo ee soo saarida Ahlusuna ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu jabinaayo Musharaxiin dhowr ah oo uu kamid yahay Axmed Macalin Fiqi oo Doorashadii hore ku guuldareystay.

Ujeedka ugu weyn ee loo taageerayo Ahlusunna ayaa lagu sheegay inay tahay laba sababood oo mida koowaad ay tahay in meesha laga saaro muranka ka dhexeeya Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna, halka sababta labaad lagu sheegay in Kursigaasi laga ilaalinaayo Xubno ka gadoodsan magacaabida Golaha Wasiirada oo uu kamid yahay Axmed Fiqi.

Warar hoose ayaa sheegaya in Ahlusunna ay dooneyso in Doorashada ay ku yeelato ilaa Laba Musharax oo miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia, si midkood uu ugu guuleysto Doorashada, iyadoo dhanka kale la kaashanaayo DFS.

Dhawaan ayay aheyd markii Villa Somalia ay kullan Khaasa ku yeesheen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Hogaamiyaha Maamulka Ahlasunna ee Gobollada dhexe, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyadoo qodobada labada Mas’uul ay isku afgarteen uu ahaa in Ahlusunna laga qeybgaliyo Doorashada Galmudug, isla markaana ay taageerto DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com