Xog: Yey Ethiopia u adeegsaneysaa fashilinta heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa dadaal adag ku bixineysa carqaladeynta Heshiiska Maamulka Somaliland iyo Dowlada Imaaraadka Carabta kaa oo dhigaaya in Imaaraadka uu Saldhig Millitery ka furta magaalada Berbera.

Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa horboodaaya dadaalka lagu carqaladeynaayo Heshiiska, waxaana lasoo warinayaa in qorshahaasi ay ka qeybqaadanayan Mas’uuliyiin ka tirsan DDSI.

Dowlada Ethiopia ayaa wada qorsho lagu kicinaayo Xisbiyada Mucaaradka, si loo qaadaco Heshiiska iyadoo la adeegsanaayo Shacabka Somaliland ee taageersan Xisbiyada Mucaaradka.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegay in Dowlada Ethiopia ay shirar gaar gaar magaalada Jigjiga ugu qabaneyso Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka kala tirsan Xisbiyada kuwaa oo la doonaayo in loo adeegsado dadaalka lagu burburinaayo Heshiiska.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Shirka magaalada Jigjiga ku dhexmari doona Dowlada Ethiopia iyo Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ay qeyb ka noqon doonaan Siyaasiyiin ka socta Dowlada Jabouti oo qudheeda kasoo horjeeda Heshiiska Imaaraadka lagu siiyay Saldhiga Millitery.

Dowladda Ethiopia ayaa Xisbiyada cadaadis ku saareysa inay ka hor yimaadaan Heshiiskaasi, waxayna Ethiopia ka cabsi ka qabtaa in Xiriirka Wanaagsan ee Imaaraadka la leeyihiin Dowladda Masar uu horseedo inay Milliteiga Masar saamayn ku yeeshaan Saldhigga Milliteri ee Berbera.

Heshiiska Imaaraadka lagu siiyay Saldhiga Millitery ee magaalada Berbera ayaa shaki galiyay Dowlada Ethiopia, Jabuuti, DFS, Sacuudiga iyo Dowlado kale oo iyagu u arka Halis kusoo fool leh Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Somaliland ayaa isku arka inay Somalia ka go’een sannadkii 1991-kii, waxayna ku dhawaaqeen Gooni-isku-taaga, balse ma helin Ictiraaf Caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com