Madaxweynaha South Africa oo lagu diiday Isku shaandheyn uu ku sameeyay wasiirada

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaanada Xisbiga Mucaaradka South Africa ayaa ka hor imaaday isku shaandheyn uu Madaxweynaha dalkaasi ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.

Xildhibaanada Xisbiga ayaa is hortaagay Isku shaandheynta waxa ayna tilmaameen inaanu munaasib aheyn in xiligaani leysku shaandheeyo Golaha Wasiirada.

Isku shaandheynta uu sameeyay Madaxweynaha dalkaasi ayaa waxaa xilkiisa ku waayay Wasiirkii hore ee Maaliyada Mr Pravin Gordhan, waxaana arrintaasi ka hor imaaday Xisbiga Mucaaradka.

Wasiirkii hore ee Guryeynta Malusi Gigaba ayaa loo Magacaabay Wasiirka Cusub ee Maaliyada iyo ku-xigeen sfiso buthelezi laga dhigay Wasiirka ku-xigeenka Labaad ee Maaliyada.

Wasiirka Maaliyada ee xilka laga qaaday ayaa saaxiib dhow la ah Xildhibaanada kasoo kala jeeda Xisbiga talada haya iyo Xisbiga mucaaradka waxa ayna taa dhalisay in laga hor imaado xil ka qaadista lagu sameeyay.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa dhex maquuranaayo dood iyo muran ku aadan Isku shaandheynta lagu diiday, waxaana suuragal ah in la hakiyo qorshaha Isku shaandheynta.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com