Aragtidii Alfred Adler iyo beel u doodayaasha

Xildhibaano iyo siyaasiyiin badan ayaa soo horjoogsada warbaahinta, ayagoo sheeganaya tabasho ah in beeshooda xuquuqdeeda loo diiday, ama ayagoo difaacaya qalad beeshooda lagu eedeeyay. Qaar badan oo aan aqoon u lahaa, ka hor inta aysan siyaasad ku biirin iyo qaar ayagoo siyaasi ah aan is baranayba way jiraan… badannaa raggaas/dumarkaas qeyliya ma rumeysna waxa ay ka hadlayaan, waa dad dul duleelo u gaar ah leh.

Alfred Adler wuxuu ahaa dhaqtar caafimaad oo u dhashay Austaria, wuxuu geeriyooday 1937, wuxuu ahaa cilmi baarihii aasaasay maadda cilmu nafsiga shaqsiyadda. Buuggiisa
The Practice and Theory of Individual Psychology ee la daabacay 1927, wuxuu uga hadlay wax uu ku tilmaamay “Overcompensation” oo ah in qofka iska dareema dulduleello shaqsiyadeed uu isku dayo inuu ku daboolo wax muujin kara in uusan lahayn dalooladaas. Tusaale ahaan qof haddii uu tuhmayo in cilmi darro lagu dhaliili karo, wuxuu badsadaa buugaagta uu sito, lebiska, ereyada luuqadaha ajnabiga iyo iwm…

Cilmi baarayaal ka socda Jaamacadda Washington ayaa isku dayay in 70 sanno Dr. Adler geeridiisa kaddib ay caddeeyaan aragtidiisa “Overcompensation”. Waxay cilmi baarayaasha qol ku xareeyeen rag sannad koowaad ah, baaritaan been ah ayay ku sameeyeen, qaarna waxay u sheegeen in raganimadooda taam tahay, qaarna in ay wax.ka dhimman yihiin, kadibna waxay u dhiibeen form ay ku qoraan sifaadkooda.

Kuwii lagu sheegay in ay raganimadooda wax.ka dhimman tahay, been ayay ku wada qoreen form-ka ayagoo ka badbadiyey:

1-Dhererkooda
2-Murqahooda
3-Xawaaraha ay ordi karaan
4-Adkaysigooda
5-Qancinta iyo soo jiidasha dumarka…

Kuwii kalsoonida lagu beerey, ee waxaad tihiin rag taam ah la yirina, warqadihii xitaa ma wada buuxin, qaarkood waa iska tuureen. Jaamacadda Stanford sidoo kale Overcompensation tijaabo ay ku samaysay waxay noqotay sax.

Dadka beel u doodka ama difaaca TV-yada la soo istaaga, ma aha qabyaaladiistayaal, ugu yaraan inta aan aqaano. Waa dad calaamatu su’aal ay saaran tahay in ay beesha daacad u yihiin (kuma soo dhex korin, hooyadood ayaa beel kale ah, lahjadda reerka ma yaqaanaan, nin beel kale ayaa qaba, guud ahaan waa dad ku cusub beesha i.w.m) ama waxqabad iyo cilmi ahaan ayay u liitaan.

Taas ayaa ku qasbaysa in ay Overcompensation sameeyaan si dulduleelada ka bannaan ay hadalada beel u ololeyn iyo difaaca isugu adkeeyaan.

Waa jiraan dad si kale u kaarikaysan, laakiin badanaa dadka qabyaaladda ku qaraabta waa dad danno kale leh, ee qabiil jaceyl kama aha!

Qof arrimo shaqsi ah daawo u raba, howl qaran ha ka sugin. Mar haddii uu beesha difaaco, su’aalihii laga qabay, jawaab dhamaystiran inuu ka bixiyay ayuu isku hesytaa. Sida aan qoraal hore ku sheegay, siyaasiga danta keliya ee uu leeyahay, waa in mar labaad xilka uu ku soo laabto, ama helo, wixii u sahli kara wuu samaynayaa haddii aan dharci qabto jirin.

Saameynta hadalkooda uu bulshada ku yeelanayo guud ahaan, muhiim uma aha!

W/Q: Hassan Adam Hosow