30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“Wasiirkii doonaaya inuu ka hantiyo qaranka sharaf dhac ayaa u danbeyn doonta”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ugu baaqay inay daacad u noqdaan Shaqooyinka ay u hayaan Qaranka.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxa uu cadeeyay in Wasiirada ay mari doonaan la xisaabtan joogta ah, waxa uuna ku baaqay in Wasiirkii aan gudan doonin waajibaadka saaran wakhti hore cadeeyo mowqifkiisa.

”Wasiirkii ku fakeraaya inuu ka faa’iideysan doono shaqooyinka loo igmaday waxaan leeyahay waad mahadsan tahay wakhti hore noo cadeey waxa aad damacsan tahay”

”Waxaa horay usoo maray dalka Wasiiro aan si dhaba loola xisaabtamin waxaan idiin xaqiijinayaa in Wasiiradii hore ay ka duwanaan doonaan kuwa haddi, waxaana ku baaqayaa in Wasiirkii aaminsan damac kale uu wakhti hore isbedel ku sameeyo naftiisa”

Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay inaanu ka aamusi doonin Wasiirada laga soo gudbiyo eedeymaha waxa uuna yiri ”Wasiirow haddii aad tahay mid aan hanankarin shaqooyinkaani fiiro dheer u yeelo caqabadaha ku horyaal”

Sidoo kale, Kheyre ayaa laga soo xigtay in Wasiirkii lagu helaa isdabamarin ay horkeeni doonaan shacabka isla markaana uu dusha saaran doono wixii sumcad darro ah ee uu geystay.

Waxa uu intaa raaciyay ”Wasiirkii doonaaya inuu ka hantiyo Qaranka sharaf dhac ayaa u danbeyn doonta”, waxa uuna ku baaqay inuu ku howlgali niyad furnaan iyo shaqo daacad ah ka hor inta uusan niyeysan gurashada Hanti Qaran.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili shacabka Soomaaliyeed ay walaac ka muujinayaan in Wasiirada qaar ay ka hantiyaan Hantida Qaranka, sida looga bartay Xukuumadihii hore ee dalka soo maray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News