28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Australia oo amar ku soo rogtay duulimaadyada ka yimaada dalalka Qadar iyo Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Dowlada Australia ayaa ku biirtay qorshaha ay dhawaan ku dhaqaaqeen Dowlada Mareykanka iyo Britain kaa oo looga feejignaanaayo Diyaaradaha kasoo kictama dalalka Qatar Iyo Imaaraadka.

Wasiirka Gaadiidka ee dalka Australia Darren Chester, ayaa shaaciyay in Dowlada Australia ay ka feejignaan doonto Diyaaradaha kasoo kictama dalalka Qadar iyo Imaaraadka.

Wasiirka ayaa sheegay inay suuragal tahay in Kooxaha Argagixisada sida Al-qaacida iyo Daacish ay Diyaaradahaasi kusoo dhex qariyaan qalabka loo adeegsada Qaraxyada ee lagu dhex sameeyo Laptobyada.

Darren Chester, ayaa sheegay inuu Sharcigan cusub u eg yahay Tallaabooyinka Ammaanka ee ay Maraykanka iyo Britain horey u soo rogeen, wuxuuna xusay inaan qalabka Elektoroonikadda lala raaci karin diyaaradaha.

Wasiir Darren Chester, ayaa tilmaamay in Sharciga cusub ee Australia uu si toos ah u saamayn doono rakaabka Duullimaadyadda Tooska ka soo raaca dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in arrintaani cusub ee lagu xoojinaayo amaanka ay ku wargalin doonaan dhammaan Xafiisyada Australia ku leeyihiin Shirkadaha duulimaadyada Qadar iyo Imaaraadka, isagoo dhanka kale sheegay inay wargaliyeen labadaasi dal.

Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu ku baaqay in Duulimaadyada labadaasi shirkad lagu adkeeyo baaritaanka isagoo si cad u sheegay inay mamnuuc tahay in diyaaradah lala soo raaco qalabka Elektoroonikadda.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News