Kheyre oo ka hadlay arrin culus oo ay wada sugayeen Shacabka Soomaaliyeed (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Musuq maasuq dhamaantii maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Kheyre waxa uu sheegay in Musuq maasuqa lagu eedeeyo DFS ay maanta ku aaseen magaalada Muqdisho waxa uuna dhanka kale sheegay in Xukuumadiisu ay ku xisaabtami doono xitaa lagacta ugu yar Sh. So ee Kunka shilin.

Wuxuu sheegay in xitaa kun shilin hadii uu si qalad ah lagula xisaabtamayo qofkii bixiyay ama lunsaday , waxaana uu shaaciyay in meel uu musuq maasuq ka jiro aanay ka jiri karin Horumar, Nabad, Cadaalad, .

Waxa uu sheegay in Wasiir waliba ay weydin doonaan halka uu dhaqaalaha ku bixiyay isla markaana Wasaarad waliba loo sameyn doono Guddi si dhow ula socda lacagaha soo gala iyo kuwa ka baxa qasnada.

Kheyre wuxuu sheegay in Musuq maasuq laga hadlaa uusan ceeb aheyn balse ay ceeb tahay in hadii la arko wax laga qaban waayo.

Sidoo kale, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo maalin waliba la aruurinayo lacag hadana aan la bixin mushaarka Ciidamada iyo shaqaalaha dowlada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Wasiirada uga digay inay isku dayaan Musuq ama waxqabad la’aan waxa uuna ku goodiyay ineysan wada shaqeyn doonin isaga iyo Wasiirkii lagu helo Musuq iyo waxqabad la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com