Cristiano Ronaldo markaan wuxuu noqday Fanaan.

Sida muuqata ujeedku ma ahan in laga hadlo kubada cagta caalamka rabshana lagu kiciyo, Cristiano Ronaldo ayaana markan qaatay kataarka xilli uu xidiga Real Madrid muujiyey sida uu ugu hamuun qabo Musiga oo uu aad u jecel yahay.

Wuxuuna rajo ka qabaa xittaa inuu isticmaalo hees si ay kooxdu niyad wanaagsan u hesho ka hor ciyaaraha waa weyn.

Ronaldo iyo xidiga ay isku kooxda yihiin ee Pepe ayaa aaday Studio ku yaala gudaha Spain. Waxayna ahaayeen kuwa ku maqsuud qaba ka dib iyadoo uu Ronaldo heeso isku deyey, mana uusan ka gaabsan sida aysan u aheyn tani inuu bedelaayo xirfadiisa laakiin wuxuu kusoo koobay nasasho oo keliya.

Ka dib markii uu soo dhameystay Musiga xidiga reer Portugal ayaa yiri: “Musiga waa qeyb ka mid ah nolasheyda iyo qeyb ka mid ah nolosha dadka aad ayaan ugu dhowahay. Musiga la’aantiis nolasha maba aanan ku faraxsanaadeen. Waan jeclahay Musiga.

“Waqtiyada qaar waxaad ku caajiseysaa xeerarka kubada cagta. Waxaan jeclahay inaan wax kale sameeyo oo aan aheyn kubada cagta.

“Wey fiican tahay inaan qibrad u yeesho waxyaabo cusub sidaas darteed ayaan u imid Studio-ga Musiga iyadoo ay ila socdaan saaxiibdeey si aan usoo nasano aanan u sameyno maadeys.

“Waa markeygii iigu horeysay oo aan duubayo Rikoor Studio ah waana wax lagu riyaaqo.

“Dhamaanteen waan ka helnaa musiga sidaas darteed waxaan go’aan ku garnay inaan halkaan imaano.waxaan u maleynaa inaan aad ugu fiicanahay Musiga. Wax badan ayaana ku raaxeystaa.”

Halkaan Hoose ka daawo sawirada Ronaldo iyo Pepe oo ku raaxeysanaa Musiga.