Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Turkiga oo kaashaneysa deeq bixiyayaal caan baxay ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dajisay deeq isugu jirta cunto nafaqeysan iyo daawo loogu tala galay xaalada abaaraha iyo macluusha ka jirta Somalia.
Deeqdaani ayaa waxaa magaalada Muqdisho kasoo dajisay Diyaarada Turkish Airlines waxaana la sheegay in deeqda ay tahay 60 tan.
Diyaarada Muqdisho soo gaarsiisay deeqda ayaa waxaa ku qornaa hal-ku-dhigii caan baxay ee ”Ciiddanka Jacaylka ee Somalia” ”The Love Army for Somalia”.
Deeqdan ayaa waxa soo ururiyey Fannaan, Ciyaartoy iyo u-ololeeyayaal Samafal oo kaalmadda ku ururiyey Yabooha dhinaca Aaladaha Bulshadda, sida Twitterka.
Olole dhinaca Internet oo lacago loogu uruurinayay Abaaraha Soomaaliya oo ay sameeyeen bishii la soo dhaafay shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Jilaaga Ben Stiller, Colin Kaepernick oo ka tirsan Naadiga Kubada cagta Mareykanka ee NFL iyo xidigaha caanka ah warbaahinta bulshada sida Jerome Jarre.