Qeybo ka mid ah Soomaaliya oo ay ka bilaabatay uruurinta ciidamadii lagu tababari lahaa xerada Turkiga

Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa bilaabatay olo lagu aruurinayo ciidamo Militari ah oo lagu tababari doono xerada ay dhawaan Turkiga ka furi doonto Magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka garoonka Aadan Cadde kaasoo noqonayo saldhig weyn oo laga soo saari doono ciidamo Soomaliyeed oo tayo leh.

Ciidamadaan ayaa la qorsheenayaa in laga soo kala aruuriyo dhammaan maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ka jiro, waxayna hadda ka bilaabatay Maamul Goboleedka Puntland.

Waxaa hadda halkaas ka bilaabatay qorsho lagu qorayo  3000 Kun oo Askari oo kasoo jeedo deegaanada Galmudug si ay uga mid noqdaan ciidamada Dhawaan tababarka uga farumayo xerada Militari ee ciidamada Turkiga.

Waxaa Garoowe gaaray Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Soomaaliya, wuxuuna halkaas saxaafadda ugu sheegay inuu safarkiisa ku aadan yahay sidii uu halkaas uga diiwaan gelin lahaa askarta laga soo qaadayo Puntlan.

Dowladihii hore ayaa tababaro siiyay kumanaan ciidamo ah kuwaasoo intooda badan markii ay tababarka qaateen ku milmay bushada rayidka ah halka kumanaan oo weli ka tirsan ciidamada dowlada aysan si joogta ah u qaadan mushaaraadkooda.

Tallaabadaan ayaa ah mid laga fullin doono dhammaan Maamul Goboleedyada ka jiro Soomaaliya, waxayna hordhac u tahay qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay hantaan amniga Soomaaliya si looga maarmo howgalka Midowga Africa (AMISOM) ee muddo 10 sano ah socday Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com