25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xiisado dagaal iyo hub isku urursi ka taagan duleedka degmada Balcad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaano degmadaasi hoostaga.

Xiisada ayaa ka dambeysay kadib markii shalay gelinkii dambe maleeshiyo beeleed ay gubeen tuulo ku taala duledka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana saaka laga baqayaa dagaal beeleed halkaasi ka dhaca.

Maamulka degmada Balcad ayaa wadda dadaaladii ugu dambeeyay oo lagu yareynayo xiisada ka taagan duleedka degmadaasi, waxaana madaxda maamulka ay sheegeen inay ka hortagayaan dagaal beeleed halkaasi ka dhaca.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka qaarkood ay bilaabeen inay hub urursi sameeyaan, si ay isaga difaacaan maleeshiyaadka kale.

Gelinkii dambe ee shalay dagaal beeleed kooban ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn deegaankii shalay la gubay, waxaana ka dhashay khasaaro soo gaaray dhinacyada dagaalamay.

Waxaa kale oo socota waanwaan ay wadaan odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda labada beeleed ee daga duleedka degmada Balcad.

Caasimada Online
xafiiska HirShabeele
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News