Farqi weyn oo u dhaxeeya miisaaniyadda DF Somalia iyo tan Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey miisaaniyadda Dowladda ee sanadkaan 2017 kadib dood dheer iyo falanqeyn kadib.

Misaaniyadda Dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu ansixiyey inay noqoto $267,577,964 sanadkaan 2017, taasoo aheyd arrin muhiim ah in la ansixiyo maadaama loo baahan yahay inay Xukuumadda cusub si dhaqso ah u howlgasho.

Waqtiga ugu badan ee dowlada, waxaana hadda kasoo cunay doodii iyo khilaafkii ku aadanaa ansixinta golaha wasiirada kadib markii ay arrintaas isku khilaafeen Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, Ra’isulwasaaraha Soomaaliy Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari inkastoo markii dambe la xaliyey.

Haddaba waxaa jirto farqi weyn oo u dhaxeeyo miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee doonayo inay ka go’aan Soomaliya, waxaana halkaas ka cadaatay inay Somaliland ku baxdo qarash badan.

Miisaaniyadda Somaliland ee sanadkaan 2017 waxaa lagu sheegay inay tahay $362,517,393, halka midda Soomaaliya ay tahay $267,577,964, waxaana halkaas ka jiro farqi ku dhaw ilaa 100 Malyan oo Dollar oo ay badn tahay midda Somaliland.

Lama qiyaasi karo sababta ay ku dhacday in Maamulka Somaliland oo ka miisaaniyadda badnaado midda Dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoo la ogyahay inaysan weli Somaliland goosashadeeda aysan caalamka uga helin aqbalaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com