Amniga Somalia oo lagala wareegayo AMISOM (War cusub oo soo baxay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamda Militariga Soomaaliya oo ahaa kuwii ugu geesisanaa guud ahaan Africa Xilligii Dowladdii Siyaad Barre ayaa ka dhawaajiyey war farxad u ah ummadda Soomaaliyeed markii ay sheegeyn inay qaadayaan tallaabo dalka looga saarayo Ciidamada AMISOM.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Aadan Axmed “Buud” ayaa ka dhawaajiyey inay CIidamada Militariga awood dalka Soomaaliya kala wareegi doonaan Ciidamada AMISOM sidaas ay iyaga ku sugi doonaan amniga guud ahaan Soomaaliya.

Buud ayaa sheegay inay hadda bilaabatay howl lagu qalabeenayo ciidamada lana rajeenayo inay muddo kooban kadib ciidamada AMISOM kala wareegaan amaanka Soomaaliyeed oo weli aan aheyn mid la isku haleyn karo.

Wuxuu ka dhawaajiyey in ciidanka xoogga Soomaaliya dhawaan lagu sameyn doono isku dhaf, isla markaasna loo sameyn doono tababar guud  si looga maarmo Howlgalka AMISOM oo muddo 10 sano ah ka socdo Soomaaliya oo weli aysan Soomaaliya gaarsiin meeshii loogu talagalay.

Buud ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ka cosaday inay wasaaradiisa kala shaqeyso sidoo loo dhisi lahaa ciidamada Xoogga dalka isla markaasna loo qalabeyn lahaa, isagoo xusay in Soomaaliya ay kaliya Militarigooda ku filan yihiin sugidda amniga guud ahaa.

Dowladda cusub ee uu hoggaamiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhawaajisay inay ka shaqeyn doonto sidii Militariga loo qalabeyn lahaa loona heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo ka kooban qeybaha kala duwan si looga maarmo Ciidamada Shisheeye oo aan marnaba ka shaqeeneyn danaha umadda Soomaaliyeed ee Masaakiinta ah.

Farmaajo ayaa sheegay in hadafka ugu horeeyo ee dowladiisa uu yahay sidii loo heli lahaa ciidamada tayeysan oo Soomaaliyeed is loo xaqiijiyo amniga iyo kala dambeyntii lagu yaqaanay umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com