Document sir ah: Ahlu-Sunna oo qaaday tallaabo hab cajiib ah looga gudbayo qabiilka

Guriceel (Caasimadda Online) – madaxweynaha dowlad Goboleedka gobolada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa qaaday tallaabo muujineyso inuusan maamulkiisa ku shaqeyn qaab qabiileed, kadib markii uu isku shaandheyn ku sameeyey madaxda deegaanada uu ka arrimiyo maamulkiisa.

Wuxuu Madaxweynaha Ahlu Sunna dhawaan kala badalay ku sameeyey   Gudomiyayaashii degmooyinka Mataban, Guriceel, Dhusmareeb Xeraale iyo Caabudwaaq , kadib markii degmo kasta madax looga dhigay nin aan u dhallan beesha halkaas dagto, haddana waxaa sidaas mid la mid ah lagu sameeyey  Taliyaashii Booliska degmooyinka aan soo sheegnay.

Markii hore waxaa deegaanadaas madax ka ahaa shaqsiyaad kasoo jeedo beesha halkaas dagto, balse Ahlu Sunna ayaa amartay in arrintaas la joojiyo isla markaasna uu deegaan kasta ka arrimiyo nin aan ka dhallan, si halkaas ay uga dhacdo cadaalad iyo waxqabad wanaagsan.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa sameeyey koox loogu magac daray la dagaalanka Musuq maasuqa, wuxuuna maamulkaan Soomaaliya kusoo kordhiyey arrin aan la arag tan iyo burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Maamulka uu Calanka u hayo Dr. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday howlo lagu hormarinayo deegaanada uu ka arrimiyo, waxayna dhammaan tallaabooyinkaas mudan yihiin in lagu daydo.

Haddaba hoos ka aqriso waraaqihii guddoomiyaasha iyo taliyaasha la isugu badalay:

 

Caasimada Online
Xafiiska Guriceel
Caasimada@live.com