Dhageyso: Shariif Xasan oo ka hadlay dagaalkii adkaa ee uu la galay Jawaari

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan loolankii adkaa ee dhex maray isaga iyo Prof. Jawaari.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay Su,aalo ku saabsanaa arrimaha ku aadan doorashadii Soomaaliya ka dhacday oo uu isaga isku soo sharaxay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa ka dhawaajiyey inuusan jirin wax loolan ah oo dhex maray isaga iyo Jawaari balse ay jirtay inuu isaga Madaxweyne isku soo sharaxay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya sidoo kalana uu Jawaari isku sharaxay xilka Guddoomiyaha baarlamaanka.

Shariif Xasan ayaa la waydiiyey haddii uu jiray ballan lala galay Jawaari oo aheyd inuusan isku soo sharaxin guddoomiyaha Baarlamaanka, si Koonfur Galbeed ay u hesho ugu yaraan Madaxweyne iyo Ra’isulwasaare.

Shariif Xasan ayaa ku jawaabay inaysan jirin wax ballan ah oo lala galay Jawaari, isla markaasna uu xor u yahay qof kasta oo Koonfur Galbeed ah inuu isku soo taago xil kasta oo ka banaan Soomaaliya.

” Aniga waxaan isku soo sharaxay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, Jawaarina wuxuu isku soo sharaxay Guddoomiyaha Baarlamaanka, run ahaantii isaga guul ayuu gaaray, kamana xumi inuu xilkaas qabto” ayuu yiri Shariif Xasan.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalkii uu Shariif Xasan ka yiri arrintaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com