Muxuu DF uga dhigan yahay hadalkii Michael Keating ee heshiiska Berbera?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa wax laga waydiiyey arrimaha ku aadan heshiiska Saldhigga Berbera ee dhex maray Imaaraadka iyo Maamulka Somaliland, kaasoo muran badan uu ka dhashay kadib markii lagu tilmaamay inuu yahay heshiiskaas mid aan waafaqsaneyn sharciga Caalamiga ah.

“Waxaan filayaa arrintaani (Saldhigga Militari) ay u taalo xukuumadda Somaliland qaabkii ula macaamili lahayd, haddii ay jirto arrimo ay warbaahinta madaxa banaan iyo ururada rayidka mowducan ka qabaan ay muhiim tahay in la shaaciyo oo xukumadda Somaliland lagala hadlo” ayuu yiri.

“Waxaa muhiim ah oo cad sidii kor lagu qaadi lahaa kaabaayasha kala duwandhaqaaalaha sida shaqo abuurka iyo abuurista fursado dhaqaalaha ay helaan shacabka Somaliland. Laakinse, qaabka loo fulinayo ay noqoto inay cadahay iyado lagu dabaqayo nidaamka caalaamiga ee sharciga caalamiga ah (international law)”.

Haddaba marka la fiiriyo qaabka uu u dhacayo hadalka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, wuxuu muujinayaa in dowladda Soomaaliya aysan shaqo ku laheyn arrinta ku aadan heshiiska Berbera gacanta loogu geliyey Imaaraadka si ay uga sameystaan saldhig Militari oo laga duqeeyo Xuutiyiinta Yeman.

Hadalka Keating ee ahaa inay Maamulka Somaliland ay u taal arrinta saldhigga Militari ee Berbera, iyadana wax laga waydiinayo wuxuu muujinayaa dhab ahaanshaha in dowladda Mareekanka ay markii hore wax ka ogeyd heshiiskaas, maadaama ay xulufo yihiin Mareekanka iyo Imaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ka hor imaaday, balse mowqifka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa muujinayo shaki cusub oo ku aadan heshiiskaas, maadaama aysan uga hadlin sidii la filayey.

Dowladda Mareekanka ayaa la sheegay in qeyb ka aheyd dowladihii ay Imaaraadka Carabta kala tashatay heshiiska ay la gashay Maamulka Somaliland, waxayna dhawaan dowdladda Soomaaliya qaar kamid ah dowladaha caalamka u gudbisay dacwad ku aadan arrintaas, maadaama laga dhawaajiyey in heshiiskaas uu halis weyn ku yahay jiritaanka Soomaaliya.

Sababta ugu weyn ee halista keeni karto ayaa ah inay Xuutiyiinta Yeman kusoo biiraan kooxaha ka dagaalamo Soomaaliya, maadaama ay ku habjabeyn inay duqeyn doonaan Berbera haddii ay halkaas Imaaraadka Saldhig laga soo duqeeyo ka sameystaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com