27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Midowga Yurub oo 50 kun oo Pound ugu deeqay DF (Maxaa lagu qabanayaa)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa dhaqaalo badan ugu deeqay dowladda Soomaaliya, lacagtaasi oo loo qorsheeyay in wax looga qabto abaaraha ka jira gayiga Soomaaliya.

Ururka Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya ugu yaboohay 50 Milyan oo Bond oo lagu tala galay in wax looga qabto Barakacayaasha iyo sidoo kale Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo noqonaya dalka Kenya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa sheegay in Midowga Yurub Lacagtaan ay ugu tala galeen Barakacayaasha Soomaaliyeed in loo maamuli doono si wanaagsan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed hadda ay haysato dhibaatooyin kala duwan , islamarkaana dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay soo celiso Qaxootiga Somaaliyeed ee ku sugan dalalka Yemen iyo Kenya.

Midowga Yurub ayaa taageera dowladda Soomaaliya , waxaana Midowga Yurub ay  hadda doonayaan in Sare loo qaado Nolasha Barakacayaasha Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
- Advertisement -

Read more

Local News