15 xil oo sare oo Farmaajo uu siiyey beelaha Hawiye illaa iminka (Aqriso Magacyada)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay soo magacaabay xilal badan, waxaamna warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa ku dhawaad 15 xil oo muhiim ah oo uu siiyey beesha Hawiye.

Madaxweynaha ayaa xilal aad muhiim u ahaa ugu deeqay Beelaha Hawiye oo ku guul dareystay tartankii loo galay xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya, Haddaba halkaan hoose ka aqriso shaqsiyaadka Hawiye kasoo jeedo oo uu xil u magacaabay:

  • Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Hawiye, Murusade
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yuusuf Garaad cumar, Hawiye, Habargidir, Ceyr
  • Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Hawiye, Abgaal , Harti , Obokar
  • Wasiirka Warfaafinta, Eng. C/raxmaan Yariisow, Hawiye, Abgaal, Wacbuudhan, Daa’uud.
  • Jeneral Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid , Taliyaha Ciidanka xoogga dalka , Hawiye, Habar Gidir, Saruur.
  • Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha Nabadsugida ayaa soo jeeda Hawiye (Xawaadle).
  • Axmed Washington , Maareeyaha dekedda, Hawiye, Abgaal
  • Yuusuf Jaalle , Maareeyaha Garoonka Muqdisho, Hawiye, Abgaal
  • Taliyaha ciidamada Cirka, Sareeye Guuto Maxamuud Shiikh Cali, Dable – Beyloot, Hawiye
  • G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale, Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Hawiye, Habargidir, Ceyr.
  • Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed, Hawiye, Abgaal, Waceyle.
  • Afhayeenka Madaxweynaha, Hawiye
  • Afhayeenka Xukuumadda, Hawiye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com