Puntland oo shaacisay sida ay ka yeeli doonto urur diimeedka cusub ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa digniin culus kasoo saaray soo shaac bixida Koox diimeedka cusub ee maalmihii lasoo dhaafay qabsaday Baraha bulshada.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Urur diimeedkaasi xubnaha ku mideysan ay yihiin Takfiir waxa uuna maamulka tilmaamay in Somalia ay khatar gali doonto haddii fursad lasiiyo Kooxda cusub.

Maamulka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka, maamul goboleedyada kale ee dalka iyo Culuma’udiinka Soomaaliya in si wadajira loo wajaho khatarta amniga iyo caqiido.

“Ururka takfiiriga ah oo maalmahan ummadda Soomaaliyeed kala hadlayay warbaahinta, iyagoo sheegay baaqyo kala dambeeyey oo ku saabsan caqiidada islaamka sidaa darteed Puntland waxay ugu baaqaysaa dowladda federaalka Soomaliya, Maamuladda xubinta ka ah dowladda Federaalka iyo Culumada Soomaaliyeed in si deg deg ah la iskaga kaashado si loo yeesho Siyaasad mideynsan oo ku wajahan khatarta amnig iyo caqiiqdo oo ku soo korodhay gayiga Soomaaliya” ayaa lagu yiri warbixinta Puntland.

Puntland waxa ay sheegtay in mowqifkeeda uu yahay inay la dagaalanto Kooxda cusub ee isku magacawday ”Kuwa aan xaqa la ganban”.

”Mowqifkeenu waa la dagaalanka Kooxda cusub, waayo waxaan og nahay waxa ay yihiin shaqsiyaadka ku jira oo Takfiir ah”

Koox diimeedkan cusub oo aad ugu duwan jamaacooyinkii hore uga jiray Soomaaliya, waxay isugu jireen shaqsiyaad diinta islaamka bartay, Ganacsato, dhakhaatiir, injineero iyo xirfadlayaal kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com