Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si deg deg ah waxay ugu yeertay madaxweynaha Maamulka Puntland Cwai Maxamed Cali Gaas,
Inkastoo aan si rasmi ah loo shacin ujeedka rasmiga ah ee Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ay ugu yeereen hogaamiyaha maamulka Puntland ayaa hadana ilo ku dhow dhow madaxtooyada Puntland waxay sheegayaan in madaxweyne Gaas looga yeeray Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa dhowaan heshiis lasoo saxiixday dowladda Imaaraadka inkastoo xilligaas kadib madaxda dowladu ay Imaaraadka kala soo xaajoodeen arimo badan .
Gaas ayaa la filayaa in si deg deg ah uu ku yimaado Muqdisho isla markaana uu kulan la qaato madaxda dowladda Soomaaliya si arinta loogu yeeray ay uga wada xaajoodaan .
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

