Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa maanta dilay Nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Kooxaha dilka geystay ayaa Nabadoonka ilaa shan xabad kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka, waxaana lasoo warinayaa in Nabadoonka uu u geeriyooday rasaasta.
Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay agagaarka isgooska Labo dhagax ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka Nabadoonka ay fuliyeen Seddex Maleeshiyo oo ku hubeysnaa Bastoolado.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nabadoon Shire Jimcaale Doongaale, waxa uuna kamid ahaa kuwa ugu caansan magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, dadaka qaar ayaa sheegaya in nabadoonkan uu hogaamin jiray mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

