Deg deg: Mareekanka oo Bamka ugu weyn dunida ku garaacay dalka Afganistaan!

Nangarhar  (Caasimadda Online) – Dowladda Mareekanka ayaa ka dhawaajisay inay bamka ugu weyn uguna awooda badan caalamka ku riday dalka Afghanistan, wuxuuna ahaa bam aan horey dunida looga adeegsan.

GBU-43/B Massive Ordnance Air Blast Bomb (MOAB) ama Hooyada Bambooyinka dunida (The mother of All bombs) ayey dowladda marenka ka riday diyaaradda nooceeda loo yaqan c-130, waxaana lagu bar tilmaameystay godad la sheegay inay Daacish ku leedahay dalka Afghanistan.

Waa bamb aan Niyukliyeer ahayn, waxaana markii ugu horeysay isticmaashay dowladda Mareekanka, culeyskiisana waxaa lagu sheegay inuu yahay 21,600lb ama 9,800kg waana mid awoodiisa aan horey dunida looga isticmaalin.

Xaafada Achin oo ka tirsan  Gobolka Nangarhar ayaa ah halka bamkaan lagu dhuftay , waxaana la aamisan yahay inay halkaas difaacyo waaweyn ku lahaayeen ururka ISIS ama Daacish, welina si rasmi ah looguma dhawaaqin khasaaraha ka dhashay sida ay shaacisay CNN.

Bamkaan ayaa la markii ugu horeysay la tijaabiyey sanadkii 2003, balse weli ma jirin loo isticmaalay, waxayna dowladda Mareekanka sameysay wax aysan ku dhiiran dowladaha kale.

Wararka kasoo baxo ururka Daacish iyo wasaaradda gaashaandhigga Mareekanka waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socdo warcad soo saaraan.