Taliyaha Booliska oo xilka ka xayuubiyay Taliyaha Qeybta Guud ee ..

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) ayaa goordhow xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geeddi.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid), ayaa xilka Taliyihii Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir u magacaabay Jen, Axmed Xasan Maalin.

Taliyaha cusub ee Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Jen. Maalin ayaa waayadaani ahaa Madaxa Hoggaanka howlaha ciidanka Booliska.

Jen. Maalin, ayaa sidoo kale horay usoo qabtay xilka uu maanta u magacaabay Taliye Saacid.

Sidoo kale, is bedelka lagu sameeyay Booliska Gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah kuwo si guud ah loogu sameynayo laamaha kala duwan ee ammaanka.

Dhinaca kale, Isbedelkaani ayaa saameyn doona Taliyayaal dhowr ah oo xilal ka haya Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com