Askarigii ka tirsanaa Midowga Africa oo loo gudbiyey Xabsiga dhexe iyo AMISOM oo hanjabaad culus soo dirtay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhawaan ayey aheyd markii Askari ka tirsan ciidamada midowga Africa ee ku sugan Muqdisho la xiray kadib markii uu baabuur ku jiiray wiil Soomaaliyeed oo karishbooy ka ahaa gaari mariyey Xaafadda Sanca ee Muqdisho.

Ciidamada oo ahaa kuwa kolonyo ah ayaa mid kamid ah baabuurtii ay wateen wuxuu jiiray Cali Cismaan Abba Sheekh oo ahaa Karishmoy, waxayna gawaridaas isku dayeen inay baxsadaan balse Ciidamada dowladda iyo shacabka Sanca ayaa ku guuleystay inay qabtaan waxaana askarigii falka geystay iyo gaarigiisa loo ka xeeyey Fisha Taraafiko waxaana ugu dambeyn la fasaxay gaariga halka askarigii la xiray.

Waxaa meesha soo galay Saraakiisha Ciidamada AMISOM oo dalbaday in laga qaado $300 Dollar oo ay ku sheegeen inay tahay duugista wiilkaas dhintay isla markaasna inta kala laga cafiyo midaas waxaa diiday qoyska marxuumka geeriyooday.

Muranka marki uu batay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa amartay in askariga loo wareejiyo Xabsiga dhexe inta arrintiisa laga dhameenayo.

Markii Xabsiga dhexe loo wareejiyey, AMISOM ayaa ku hanjabtay inay xoog kusoo furan doonaan askarigaas haddii aanan deg deg loosoo deyn.

Maalmihii dambe ayaa waxaa soo yaraanayey shilka ay galayaan ciidamada AMISOM kaasoo markii hore ahaan jiray mid joogta ah, waxaana midaas sababtay kadib markii ay bilaabatay in lala xisaabtamo askarta shilalka galayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com