Farmaajo ma eedsan doonaa madaxda maamulada mise wuxuu noqon doonaa Xasan oo kale?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay Magaalada Muqdisho uga yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, waxaana la filayaa inuu maanta Muqdisho uga bilwday kulan wadatashi ah.

Kulankaas ayaa waxaa la sheegay in looga wadahadli doono waxyaabo ku aadan shirka dhawaan Landon uga furmi doono dowladda Soomaaliya, kaasoo looga hadli doono arrimo badan oo khuseeyo Soomaaliya.

Haddaba waxaa durba la is waydinayaa su,aalo ku saabsan is fahamka dhex mari doono Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladdii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa awood dheeri ah siin jirtay Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana mararka qaar la arki jiray madaxweynaha oo u safrayo Maamul Goboleedyada si uu usoo qanciyo isla markaasna la isku fahmo.

Midaas badalkeeda, Madaxweyne Farmaajo ayaa aaminsan in awood Soomaaliya ay gacanta ugu jirto dowladda dhexe, isla markaasna Maamul Goboleedyada laga doonayo inay dowladda kusoo daba feylaan.

Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada aysan si fiican isku fahmi doonin, maadaama ay iyagu doonayaan inay la haadaan awood la eg midda dowladda dhexe.

Sida sharcigu yahay dowladda Soomaaliya ama dowladda dhexe ayaa leh awooda ugu badan dalka, waxaana maamul Goboleedyada waajib ku ah inay qaataan amarka dowladda, sido kalana Farmaajo wuxuu aamisan yahay inaysan Maamul Goboleeyada dalka awood u laheyn inay dowladaha kale heshiisyo caalami ah la galaan.

Arrinta sharciga ah ee uu ku taagan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka xumaadaan qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada oo iyagu isku heystaan inayba yihiin madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu ahaa madaxweyne Jileec ka batay oo garan waayey awooda uu u leeyahay inuu ku maamulo maamul Goboleedyada, waana midda keentay in qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada ay ku dhawaaqaan inaysan dowladda la shaqeyb doonin haddii aanan loo fulin waxyaabaha ay dowladda uga baahdaan sharci ama sharci darro.

Inkastoo go’aanka Farmaajo saxan yahay, haddana marka la fiiriyo xaaladda uu hadda dalka marayo, waxaa fiican inuu wada shaqeyn fiican la sameysto Maamul Goboleeyada si dowladda cusub ay u qabato waxyaabaha looga fadhiyo oo ay ugu horeyso amniga iyo dhaqaalaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com