Xog iyo gorfeyn: Fursadaha Farmaajo iyo filashada 2021

Burburkii dalka Somalia waxa uu sababay kala irdoobida umada soomaaliyeed iyadoo qofkastaba taagtiis uu tilaabsaday, qaar dalalka deriska ah u hayaamay, qaar tahriibay iyo qaar kale oo xero qaxootinimo ku noqday sanado kidibna magangalyo ka helay wadamada Yurub, America iyo Australia. Waxaa jiray Iyana qaar kale oo dalka aan ka bixin lagu dul dagaalamay dhibaatooyin fara badana soo maray waana wadaniyiinta rasmiga ah ee muujiyay geesinimada go’aansadayna ineysan meelna uga bixin dalkooda hooyo.

Waxaa dalka ka hirgalay nidaamka Federalism-ka oo dhigaya in dalka ay ka dhismaan maamul goboleedyo ka shaqeeya horumarinta deeganada ay ka shaqeeyaan maadaama dowlada dhexe aysan dalka wada gaari Karin caqabado jira awgood balse waxaa iyana caqabad kale noqotay markii maamuladii ay is laheysiiyeen awood la mida tan dowlada dhexe iyadoo mamul kasta uu sameystay calan iyo xuduud u gaar ah.

Dowladihii soo maray dalka waxeey dadaal la muujiyeenba dalka waxa uu ka baxay KMG waxaana loo gudbay dowlad dhexe iyadoo taasi si aad ah loogu amaanay dowladii lagu soo dhisay Jabuuti sanadkii 2009, ee lagu soo doortay Sheikh Shariif. KMG kidib waxaa doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho lagu doortay Xasan sheikh Maxamuud sanadkii 2012, isagoo xilka si dimuquraadi ah ugala wareegay Sheikh Shariif waxa uuna hiigsigu ahaa in dalka ay ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah sanadka 2016, balse daruufo lasoo deristay dowlada ay taasi dhici weyday. Dowladii Xasan Sheikh dadaal fara badan ayey muujisay iyadoo qabatay wixii ay awooday.

Bishii February ee sanadkan doorasho ka dhacday Muqdisho waxaa lagu doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo isagoo hogaamin doona dalka afarta sano ee soo socota waxaana laga sugayaa howlo fara badan oo ay kamid tahay sugida amniga, la dagaalanka musuq-maasuqa, dhisida ciidamo qaran iyo ka hir gelinta dalka doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021. Farmaajo hadii uu ku guuleysto sugida amniga la dagaalanka musqa iyo hergelinta doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021 waxa ay sahli kartaa in uu markale kusoo baxo doorashadaasi maadaama taageero fara badan uu ka helayo shacabka marka ay ku qancaan wax qabadkiisa waxa ayna taasi noqon kartaa taariikh cusub in madaxweyne soo maray Somalia markale dib loo doorto burburkii kidib.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uu ka fursad wanaagsanyahay madaxdii isaga ka horeeysay marka si fiiriyo sababtoo ah waxa uu xilka qabtay iyadoo madaxdii isaga ka horeysay ay soo dadaaleyn oo dalka ay soo gaarsiiyeen marxalad laga sii wadi karo, iyadoo la aaminsanyahay in hadii Farmaajo uu kasoo dhalaalo sugida amniga iyo la dagaalanka musuqa oo dowladihii hore ragaadiyay ay horseedii karto in Farmaajo uu guuleystay fursadiina uu ka faa’iideystay taasna ay ku hogaamin karto in sanadka 2021, ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Farmaajo ayaa oo heysta taageero iyo fursado fara badan ayaa laga sugayaa in uu dhiso ciidamo qaran oo hanan kara amaanka dalka iyo sidii ay dalka kala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM oo Somalia ku sugan in kabadan 10 sano, taasi oo noqon doonta guulo usoo hoyda dowladiisa.

Dowlada Federaalka ayaa sidoo kale kale waxa laga sugayaa sidii ay u mideyn laheyd ama isugu dhafi laheyd ciidamada qaranka iyo dejinta nidaam kala haga dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada, iyadoo maamul goboleedyada qaar u dhaqmayaan sida dowlad oo kale galayana heshiisyo aysan waxba kala socan dowlada dhexe, taasi oo qaran jab ku ah dowlada dhexe.

Waxa ay dad badan saadaalinayaan in sanadka 2021, hadii doorashada ka dhaceyso Somalia ay noqoto mid qof iyo cod ah ay yaraan doonto tirada musharixiinta u tartmeysa xilka madaxtinimo iyadoo hore looga bartay Somalia in xilka madaxweyne ay isku soo taagaan tira kor u dhaafeysa 20 musharax, sababtoo ah waxa wax dooranaya waxa ay noqon doontaa shacab dooranaya qofkii ay u arkaan in uu wax qabanayo ama qof lasoo tijaabiyay iyada ay hoos u dhici doonto tuhunadii hore ee ahaa in musharixiinta ay codka iibsadaan.

Hadaba Farmaajo maka faa’iideysan doona fursadaha uu heysto afarta sano ee uu xilka hayo??

W/Q: Abdullahi Garfiiq
garfiiq55@gmail.com