Imisa ayey dhanyihiin Soomaalida wajaheysa macluusha ka jirta dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dr. Maryan Qaasim, ayaa shaaca ka qaaday in durba ay Wasaaradeeda daraaseysay tirada dadka u baahan gargaarka bani’aadanimo.

Wasiirada ayaa sheegtay inuu aad u badan yahay cadadka dadka u baahan gargaarka waxa ayna dalbatay in si degdeg ah dadkaasi loola gaaro gurmad.

Wasiir Maryan ayaa sheegtay in dadka la daraaseeyay ee u baahan gurmadka ay dhan yihiin 6 Milyan oo qof oo Soomaali ah.

6 Milyan ayay sheegtay inay yihiin kuwo la tabaaleysan gaajo iyo macluul daran, loona baahan yahay in si deg deg ah wax loogu qabto.

Dadka ay macluushu heysato ayaa la sheegay inay u badan yihiin Haween iyo Carruur aan awoodin inay u baxaan deegaanada aanu awaarta saameyn.

Maryan Qaasim Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Todobaadkan waxa ay booqasho ku tagtay Xeryo ku yaalla Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com