Sawirro: Xaqiqida kulankii u dhexeeyay Axmed Madoobe iyo Divid Concar

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Britain ee Somalia Divid Concar.

Hogaamiyaha iyo Safiirka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay Xaalada abaaraha ee Soomaaliya gaar ahaana Jubbaland iyo sidii Dowlada Britain ay gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda.

Kulanka waxaa sidoo kale diirada lagu saaray Arimaha amaanka iyadoo Safiirka uu Hogaamiyaha Jubbaland ku amaanay sida ay uga go’antahay in la burburiyo kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya.

Waxa ay isla soo qaaden sidii loo tageeri lahaa Dowlada Cusub ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaana uu Safiirku mar kale Jubbaland usoo gudbiyay codsiga dowlada Britain ee ah in ay kasoo qayb gasho Shirka Dhaqaalaha loogu yaboohayo Soomaaliya ee bilawga bisha soo socota ka furmaya Magaalada London.

Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa magaalada muqdisho uga qaybgalaha shirka dowladda federaalka iyo Hogaamiyayaasha xubnaha ka ah dowladda federaalka, kaasi oo laga hadlayo shirka bisha dambe ka furmaya Magaaladda London.