Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday kulamo u dhexeeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Golaha shacabka kaa oo looga hadlaayo dardar galinta dib u eegista dastuurka dalka.
Kulamada socda ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo mas’uuliyiin kale oo khibrad u leh arrimaha Dastuurka.
Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ah Wasiir ku-xigeenka wasarada dastuurka xukuumada federalka Somaaliya, ayaa sheegay in caqabada ay hortaagnaayeen dhameystirka dasturka balse haatan caqabadahaasi laga soo gudbay.
Dr Xuseen Cabdi, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la gabagabeeyo qeybaha ka harsan Dastuurka waxa uuna tilmaamay in dhameystirka Dastuurka ay cadeyn u tahay dhismaha maamul Goboleedyada dalka.
Waxa uu intaa ku daray in dhameystirka Dastuurka ay cadeyn u tahay dhismaha Golaha Aqalka Sare waxa uuna carab dhabay inay ka go’an tahay in lasoo dhameystiro qeybaha harsan.
Sidoo kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare C/xaashi C/laahi waxa uu kulanka hordhaca ahaa ka sheegay inay ka shaqeynayaan sidii Bulshada Rayidka ay qeyb uga noqon la haayeen Dastuurka Dalka.
Xukuumada Somalia iyo labada Gole ee dalka ayaa xooga saaraya in la dhameystiro qabyada Dastuurka, waxa ayna siyaabo kala duwan Mas’uuliyiinta u sheegen in dhameystirka Dastuurka uu horseedi karo horumarka dalka.
Si kastaba, Dasturka dalka ayaa haatan ah mid qabyo qoraal ah iyadoo xukumada cusubna ay wado qorshayaal ay ku dooneyso in ay ku dhameystirto dasturka dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

