26.6 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Muxuu Axmed Madoobe ka yir shirka Somalia uga furmaya London?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka, kuwaa oo la filaayo in Villa Somalia ay ku yeeshaan shir khaas oo hordhac u ah shir ka furmaaya magaalada London.

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay ujeedka shirka Soomaalida uga furmaaya magaalada London waxa uuna sheegay in fursada shirkaasi ay tahay mid mudan in Soomaalida ay ka faa’iideystaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid dhif ah, isla markaana faa’iido dhowr ah ugu jirta Somalia, waxa uuna ku baaqay in ka faa’iideysiga mirro dhalka shirkaasi uu yahay mid gacanta ugu jira DFS.

”DFS ayaa laga doonayaa inay nidaamiso qodobada ku haboon in lala tago shirka ma filaayo inuu jiri doono shir ka faa’iido badan kan London oo soo mari doona Somalia”

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in shirka London ay barbar socon doonto maalgashiga Somalia iyo in Somalia ay hesho dhaqaale lagu uruurinaayo shirka, taa oo loogu faa’iideyn doono shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in DFS looga baahan yahay inay la imaado qorsho fog oo looga faa’iideysan karo shirka waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in shirkaasi uu noqdo mid kala danbeyn leh.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin dhammaan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News