Waxaa jirta in bulshada Soomaaliyeed u wada goomaneyd una gaajeysnayd in isbeddel dhaco, isbeddelkaasoo wata caddaalad iyo sinnaan horumar iyo maamul hagaagsan.
Mase dhicin oo waxaa isbeddelay keliya Madaxdii hore waxaana yimid Madax kale, aqriste markaan sidan ku leeyahay haw qaadan inaan ahay mucaarad ama nin diidan jiritaanka dowladnimada, Xaasha? Mayhi qof ku sifoobay noocaas!
Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey Madaxda cusub waxaan sugayey maamul wanaagsan, waxaan filayey waxqabad haba ugu badnaano haqabtirka baahida bulshadii abaaruhu ku habsadeen, dhismaha ciidanka iyo siinta xuquuqdooda, nabadda iyo amniga, siyaasad muuqata oo laga qaato musuqmaasuqa.
Kud ka guur oo qanjo u guur, Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu soo dhoobey xukuumadii rag aan hore u wada tijaabinay, uma diidani qofna inuu xil qabto qolada uu doono ha ahaado, waxaanse filayey dad hawlkar ah oo waxqabad leh, sidii xukuumadii markuu Madaxweynuhu ahaa Ra’iisalwasaaraha.
Waxaan is weydiiyey qof kasta oo loo hanweynyahay marka xilka madaxnimada uu gudoonto ee la gadoomo, maxaa gorofka ka dhiga ee ka duwa gorfeynta wanaagsan, hadduu Madaxweynuhu ka jawaabayey dareenka shacabka maxaa keenay inuu niyad jab ku rido oo usoo safo 70 wasiir iyo konton taliye oo midkoodna uusan ammaan mudnayn?
Maxaa dadkii waxqabadka lahaa meesha looga saaray? Oo loogu beddelay kuwo hore ugu fashilmay maamulka iyo maareynta raadkoodiina sii qoyanyahay, haddaba weydiimahan adigu is weydii, qof kasta oo muwaadin ah inuu dalka horumarkiisa ka shaqeeyo xaq baa loogu leeyahay, inuu taageero oo tixgeliyo awaamiirta dowladda, inuu bixiyo cashuurta inuu ka qayb qaato hawl walba oo dalka waxtar u leh, inuu boggaadiyo madaxda, sidoo kale inuu muujiyo dareenka waxa uu diidan yahay.
Farmaajo ka raacin jidkii laga filayey, mana keenin xukuumaddi la sugayey, ujeedkaygu maaha inaan hebelo eedeeyo ama carabaabo, balse, “ Sadar muuqda Su’aal ka dhan“ waxaan marag ka nahay in ammaankii sii xumaaday, taasi maaha inay dowladdu samaysay qaraxyada balse siyaasaddii looga hortegi lahaa iyo dadkii hoggaamin lahaaba lama keenin lamana xulan.
Dowladdu waxay dammaanad qaaday ammaanka iyo nabadgelyada bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadinka, ilaalinta madax bannaanida dalka, intan midna ilaa hadda lagama hayo.
Dekaddaha dalka
Inagoo la kacaa kufeyna murankii baddeena ee Keenyaatigu hungureeyey ayaa waxaa noo raacay in saldhigyo laga samaysto dalkii, sidoo kalena dowladdo iska maamushaan dekado aysan wax cashuur ah dowladda dhexe ka soo gelin.
Haddaba maxay ka tiri dowladeenu? Maka falcelisay? Maka qaadatay go’aan muuqda? Maya anigu ma arag, waxaad moodaa in maro hoosteed wax laga maamulayo.
Madaxweynuhu wuxuu tegay emaaraatka kama soo saarin go’aan cad wada hadalkoodii, waxaa imaaraatku ku baaqay in Soomaaliya abaaraha ay ka caawinayso, Naas nuujin lagu ilowsiinayo dhaca iyo boobka ay wado dowladda imaaraatku “ Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin“ Ma dalkeenii ayaan qamadi dhaafsanayna oo markaas u rixinaynaa, imaaraatkaa na caawiyey? Xaasha abaarta la caawinayo loomana baahna hadda waayo dadkii roobaa u da’ay waana doogsadeen ee maxaa shalay wax looga qaban waayey?.
Madaxweynuhu wuxuu socdaallo ku tegay waddamo dhawr ah, ilaa haddana waxba kama soo naaso caddaan, ogoow madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waa ogyihiin waana gartaan inteynu garano ee dan iyo muraad ayaysan ka lahayn.
Ugu dambeyn, Farmaajo wuxuu noqon doonaa, nin ka dhabeeya dareenkii shacabka u dabaaldegay, ama wuxuu noqon doonaa, Hoori lagu hungoobey!
Nin walba oo xil qaada waxaa sugaya xisaabtan mid adduunyo oo dadkii uu xilka u hayey ay meel ula fadhiyaan, mid aakhiro oo eebbe kala xisaabtamayo.
Haddaba Madaxweyne is xisaabi intaan lagu xisaabin, xaalka siyaasaddaadana wax ka bedel, isbedelku ma ahayn inaad kursiga timaado ee waxaa lagaaga fadhiyaa waxaad balanqaaday iyo wixii lagaa sugaayey.
Yaasiin Xaaji Baraako
Geneva, Switzerland
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

