Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Ambassador Michael Keating, ayaa ka hadlay shirka la filaayo in Soomaalida uu uga furmo magaalada London ee dalka Ingriska.
Michael Keating, ayaa tilmaamay in shirka London uu yahay mid ka duwan kuwii hore, waxa uuna si gaara u carab dhabay in dowlada Somalia ee cusub ay ku heli doonto maqaam xaqiiq ah.
Michael Keating, ayaa sheegay in DFS ay shirkaasi ku kasban doonto Maalgashi iyo dhaqaale kaga soo xarooda dowladaha saaxiibada la ah Somalia.
Wuxuu cadeeyay in DFS ay heysato fursad dhif ah, loona baahan yahay inay ka tashato sidii ay uga faa’iideysan laheyd shirka.
”Waxaan dooneynaa in shirka lagu muujiyo kalsoonida iyo wadashaqeynta DFS iyo Maamul Goboleedyada dalka”
”DFS ee cusub waxaa laga doonayaa inay la imaado qorsho cad oo aan mugdi laheyn waxaan rajeyneynaa in shirka uu u noqon doono mid aan lagu khasaarin”
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayuu ugu baaqay in shirka ka hor ay midow la tagaan magaalada London, waxa uuna carab dhabay in Dowlada Britain ay ka dhabeyn doonto ballanqaadyada ay ka sameyn doonto shirka.
Sidoo kale, Hogaamiyayaasha maamulada ayuu ku booriyay inaysan dayicin fursada isla markaana ay ku feelaan Madaxweynaha dowlada federaalka.
Haddalka Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya xili bisha fooda nagu soo heyso magaalada London lagu qaban doono shirka Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]