25.5 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Qarax lala rabay Saraakiil ka tirsan WFP oo ay ku dhinteen Carruur

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa goordhow ka dhacay inta u dhaxeysa Jaamacadda Shabelle iyo Kaamka Weydow ee Duleedka Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo dhigay Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Samafalka oo booqanaayay Kaamka Weydow.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa labo carruur ah oo ka mid ahaa dadka Barakacayaasha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo haween iyo Carruur u badan.

Ujeedka Qaraxa ayaa ahaa in lagu dilo Saraakiisha Samafalka ee ka tirsan Hay’ada WFP, balse waxa uu Qaraxa dhacay wax yar un kadib markii ay dhaafeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Soomaaliya ayaa Goobta tagay,waxaana halkaas ay ka sameeyeen Baaritaan, mana jirto cid ay u soo qabteen.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda WFP ayaan wali ka hadal Qaraxa lala damacsanaa Saraakiishooda oo xiligaa ku howlanaa u gurmashada Barakacayaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News